Laftagareen oo weli laga fujin la’ayahay diidmada wareejinta Amniga

Amniga guud ee Dalka in Rooble la hoos geeyo,waa go’aan masiiriya oo ay tahay in lagu garab siiyo.

Puntland iyo Jubaland waa ku amaanan yihiin mawqifkooda cad ee ku aadan arinkaas.

Qoor-qoor iyo Guudlaawe iyaguna waa soo dabceen oo ma foga.

Laftagareen waxuu dalbaday in la siiyo balanqaad cad in haduu saxiixo Qodobkaas aan lagu soo duulayn oo loo adeegsanayn Ciidamada,waxaana kulan gaar ah kula jira Madaxweyne Deni.

Beesha caalamka ee awal ilaalin jirtay maqaamka ah Farmaajo waa Madaxweyne inta laga helayo mid badala ee yaan aad loogu talax tegin hada waa ka fogaatay oo albaabaday ka xiratay,waxayna gadaal ka riixayaan Shirka.

Farmaajo Taleefoon buu la daba taagan yahay Laftagareen iyo Qoor-qoor uu kaga dalbanayo in aysan dhabarjabin.

Qodobka ah in Amniga laga wareejiyo Farmaajo,waxuu ka dhigan yahay in Doorashadu amaan tahay oo laysku halayn karo.

Jibril Qoobey.