Maxay isku raaceen Midowga Musharaxiinta iyo Golaha Wadatashiga Qaran?

Saacad kadib,ayaa lagu dhawaaqaa go’aanka kulamadii Golaha Wadatashiga Qaranka.

Shirka waxaa saaka looga yeeray midowga musharaxiinta iyo bulshada rayidka ah.

Midiwga musharaxiintu 3-arimood oo horay ay uga soo wada shireen ayay soo jeediyeen.

1.Doorashada wakhtigeeda in lacayimo.

2.Kuraastii laboobay in lasoo celiyo

3.Amniga doorashada in raysal wasaarahu gacantiisa ku maamulo kor joogtana ka noqdo.

3-daas Qodob ee ay soo jeediyeen waxaa loo sheegay in laga wadahadlay lagana heshiiyay.

Waxay soo dhaweeyeen Qodobada Shirka oo loo sharaxay iyo wax kasta oo go’aan lagu gaaray hadana soo jeedin tooda latix galin doono.

Midowga musharaxiinta waxaa lala socod siiyay in Qodobada laga heshiiyay iyaga iyo Bulshada rayidka ah loogu yeeray talagalinta Qodobada oo ay shirkana soo dhaweeyaan waana aqbaleen taladoodana wax badan ayaa laga qaatay in lasaxo.

Waxaa laga diidayFfarmaajo in uu Villa Somaliya sii baneeyo doorashada ka hor uuna musharax yahay waxaana loo sheegay arintaas horay inaysan udhicin xilkana uu kuwareejin doono Madaxweynaha la doorto.

Waxaa Dowlad Goboleedada loo sheegay mudo 30-cesho ah in ay kusoo diyaariyaan Baarlamaanka.

40-cesho gudahood Gudoonka baarlamaanka la doorto.

kadibna Madaxweynaha 15-cesho gudahood lagu doorto.

Jibril Qoobey.