Booliska Maraykanka oo baahiyay Xogo cusub Dilkii Imaamkii Columbus

Booliiska Maraykanka ee Columbus ayaa baahiyey muuqaal cusub oo kaamarada ammaanka ah (CCTV) oo oo muujinaya nin wata gaari nooca Van-ka ah kaas oo markii dambe laga helay maydka Imaam Maxamed Xasan Aadan, iyadoo haatan la raadinayo darawalkaas.

Maydka Imaam Maxamed Xasan Aadan, oo 48 jir ah, muddo dheerna imaam ka ahaa Masjidka Columbus ee Masjid Abu Hurairah, ayaa 24-kii Diseembar, waxaa maydkiisa laga helay meel kayn ah oo dhanka Waqooyi ah. Dhimashadiisa ayaa loo xukumay dil ahaan.

Xogihii ugu dambeysay ee baaritaanka, booliisku waxay soo saareen muuqaal soconaya 15-ilbiriqsi oo la qaaday fiidkii 22-kii Diseembar – maalin ka hor inta aan qoyska Aadan booliiska usoo gudbin inuu maqan yahay.

Muuqaalkan la baahiyey waxaa qabatay kaamirada ammaanka CCTV oo ku taal dhismo dabaq ah oo u dhow halka laga helay maydka Adam,
Det. Earl Westfall oo ah madaxa baaraha kiiskan ayaa sidaas u sheegay wargeyska Dispatch.

Muqaalka ayaa muujinaya in qof aan ahayn Imaamka la dilay uu waday gaariga, Qofka baabuurka wadey wuxuu u muuqdaa in uu xiran yahay fasaleeti cas iyo galoofis ama gacan gashi cad oo cinjir ah.
Wayna adag tahay in la garto sifooyinka gaarka ah ee ninka sababtoo ah wejigiisa waxaa daboolay fasaleetiga, sida uu sheegayo Westfall.


Det. Earl Westfall oo ah madaxa baaraha kiiskan oo shir jaraa’id qabtay wuxuu yiri sidan.


“Waxaan kaalmo weydiisaneynaa bulshada, haddii qofna aqoonsado isaga ama uu iftiimin karo waxa markaa socday,”.


Qoysaska iyo xubnaha bulshada ayaa waxay booliiska iyo dembi baarayaasha ku boorrinayaan inay kiiskan sida ugu dhakhsaha badan u xalliyaan iyadoo jamciyadda Muslimiinta u dhaqdhaqaaqda ee CARE ay $20,000 oo doollar siinayso qofkii war ka keena arintan.

Shirkaa jaraa’id oo ay qabatay Shukri Xasan oo ah gabar uu dhalay imaamka la dilay waxa ay ku boorrisey hay’adaha sharciga, ururada maxaliga ah iyo qaybaha bulshadu in ay sida ugu dhaqsaha badan u soo qabtaan dambiilaha.

“Ma bogsan karno ilaa aan cadaaladda horkeenno dambiilaha,” ayay tiri Shukri Xasan. “Waxaan u baahan nahay jawaabo degdeg ah. Maalin kasta oo gudubta waa maalin kale oo gacan-ku-dhiiglihii uu dibedda joogo oo uu xor yahay. Fadlan, haddii aad wax macluumaad ah hayso, soo gudbi oo na wac ”


Halkan kala xiriir Columbus Police Homicide Unit: 614-645-4730 ama Central Ohio Crime Stoppers oo aad ka heli karto 614-461-8477.

WQ.Abdirisak Juba.