Rooble oo si diiran loogu soo dhaweeyay Abu-dhabi

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble iyo wefti uu hoggaaminayo,ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kulammo kula yeelan doono madaxda ugu sarreysa dalka Imaaraadka Carabta.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Imaaraadka,ayaa ujeedkeedu yahay xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa.