Madaxweyne Deni oo dib ugu soo laabtay Garowe

Garowe: 13 February, 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar ugu maqna dalka Kenya,ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha iyo waftiga la socday waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Garowe Gen. Mohamed Abshir kusoo dhoweeyay Goleyaasha kala duwan ee Dowladda Puntland, Xildhibaanada labada Aqal ee Federaal ee dhowaan la doortay, Maamulka Gobolka Nugaal iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Garowe.