Duqa Gaalkacyo oo ka qaybgalay Shirka Madasha Maayarada Somalida

14 Feberaayo Kigali Ruwanda
Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo Eng-Maxamud Cabdinur Aaden,ayaa ka qaybgaley Madasha Guddoomiye-yaasha Degmooyinka Soomaaliya (Somali Mayors Forum).

Shirkan oo socon doona 14-18 Feberayo,ayaa la’isku waydaarsan doonaa khibrad, talo soo jeedino iyo sidii ay isugu xirnaan la haayeen Mas’uuliyiinta Degmooyinka, si loo horumariyo adeega Dawladnimo ee loo hayo guud ahaan Shacabka Somaliyed.

Shirkan waxaa ka qaybgalaya ilaa 15 Gudoomiye Degmo oo ka yimid guud ahaan Soomaliya, waxaana soo qaban qaabiyey Ururka Dawladaha Hoose ee Dalka Ruwanda oo kaashanaya hay’ada UNHABITAT/JPLG.

Waxaa jiri doona kolamo joogta ah oo ay yeelan doonaan Maamulka Degmooyinka Somaliya, Laguna qabandoono goobaha amniga ah ee dalka Somaliya hadii alle idmo.