Maxaa ka mid ah Sababaha aan heshiis shidaaleed loola gali karin xiligan Dowlada Somaliya?

Heshiisyada Shidaalka waxay u baahan yihiin Dowlad xasilan, oo mudo iyo sharciyad haysata hadana heshiis la’ah Dawladaheeda xubnaha ka ah ee Federaalka.

Sababaha aan heshiis shidaaleed loola gali karin xiligan Dowlada Somaliya,waxaa ka mid ah…

1.Shirciyada taabanaya dhaqaalaha iyo dakhliga Somaliya ay ka heli karto ayaa maqan.

Sharciga kusheeya dhulka khayraadka laga soo saaro,ayaan weli baarlamaanka la geyni oo sugaya Baarlamanka 11aad.

Arrimaha fiskaalka ah, sida royalty ga, corporate income tax-ka sharciyada u xayiran baarlamaanka ayay ku jiraan.

La’aanta arrimaha fiskaalka, ma suurto galayso in Somaliya ay gasho heshiis dakhli uga imaanaaya ayna war u hayn.

2.Waxay u eg tahay in ay kooxdan heshiisyada la ordaysa ay rabaan in ay ka gaarsiiyaan oo ay boobsiiyaan hantida Qaranka. oo si raqiis ah ay uga iibiyaan Shirkado Shisheeye.

3.Dowlad Goboleedyadu waxba kama oga heshiiska la rabo in la galo.

Haddii heshiiska la saxiixo,Dowlad Goboleedyada,waxaa looga baahnaan doonaa in ay bixiyaan Dhul Berriga ah oo Saldhigh u ah shirkadaha Badda Ceelasha Shidaaleed ka qodaya.

Dowlad Goboleedyada war iyo wacaal uma haayaan shaqada kooxdan ay ku hawlan yihiin.

4.Waxaa kaloo aan weli aan la horgayn baarlamanka Sharciga Deegaanka Badbaadin Tiisa (Environmental protection law).

Sharcigaas la’aantiis,hawl baaris iyo soo-saar shidaal lama samayn karo.

5.Kooxda shaqadan wada Dad shidaalka wax ka yaqaan kuma jiraan.

Waa koox hunguri iyo faa’ido deg-deg ah rabta,waxaana loo baahan yahay sharciyaqaano, dhaqaale-yahanno, iyo jiyoologists in ay garwadeen ka ahaadaan shaqadan.