Baanka Aduunka oo ugu deeqay Deegaanka Somali Galbeed Lacag xoog leh

Bangiga adduunka,ayaa lacag ka badan 60-Milyan oo dollar ku taageeray Deegaanka Somali Galbeed ee Jigjiga si wax looga qabto abaarta ba’an ee ku dhufatay shacabka.

Masuuliyiinta sare ee xukuumadda Deegaanka iyo kuwa bangiga adduunka ayaa kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyada kulankan ayayna ujeeddadiisu ahayd xoojinta daddaalada kala-duwan ee gurmadka abaaraha.

Kaddib markii masuuliyiinta dawladdu ay sharaxaad kooban ka siiyeen masuuliyiinta Bangiga xaaladda abaarta Deegaanka,ayaa waxa ay ku deeqeen lacag ka badan 64 milyan oo dollar oo wax lagaga qabanayo xaaladda abaarta, lacagtan ayaa wajigii koowaad lasoo dayaay oo dhan 38-Milyan oo dollar.