Maamulka Farmaajo oo mudo xileedku ka dhamaaday oo heshiis Shidaal galay

Sidii la filayay Maamulka mudo xileedkiisu dhamaaday ee Farmaajo waxay saxiixeen wax lagu sheegay heshiis Shidaal.

Shirkadaha Liberty Petroleum and Coastline Petroleum,ayaa heshiisyo aan sharciyad haysan la galay Maamulka Farmaajo oo mudo xileedku ka idlaaday.

Heshiis kasta oo ay la saxiixdaan Shirkadahaas Maamulka Farmaajo waxa uu noqon doonaa mid bura.

Ujeedka Shirkadahan ay udanaynayaan saxiixa heshiiskan,waa in ay kala haraan Dowlada aan sharciyada haysan ee Farmaajo heshiis qiimo jaban.

Liberty Petroleum and Coastline Petroleum,waxay ku luminayaan heshiiskan sumcadooda !!!