Akhriso Warqadii lagu fasaxay Wasiir Xasan Shire Abgaal

Waa Warqadii lagu fasaxey Wasiir Xasan Shire Abgaal ee kasoo baxday Madaxtooyada Puntland.

Shalay markii lagu dhagay ee Garoonka Garowe laga soo ceshay,ayuu baryo ku helay Warqadan.

Nidaamka Dowladeed ee Puntland,ayaa dhigaya in masuulkii gaarsiisan Agaasime Guud oo aan ka haysan fasax Madaxtooyada uusan ka bixi karin Dalka.

Xasan oo isku arka awooda Labaad ee Puntland horayna Warqada Corona-ha iyo tan fasaxa loogu soo diyaarin jiray,ayay waji gabax ku noqotay dhacdadii shalay.

Dadka xog ogaalka ah,ayaa qaba in ay ahayd ilhaamadii shalay ku dhacday Xasan fariin ka timid Madaxweyne Deni oo isaga toos loo tusayay awoodiisa.

Xasan Bosaso,ayuu caro uga soo tagay,iyadoo Madaxweynuhu ka dalbaday in uu sii joogo oo uusan bixin.

Halkan ka akhriso Warqadan:-

Jibril Qoobey.