Gudiga Doorashooyinka Puntland oo soo bandhigay daraasad Doorashadii hordhaca ahayd

Gudddiga KMG Doorashooyinka Puntland ee TPEC,ayaa ka qaybgalay kulan ay Hey’adda PDRC kusoo bandhigeen daraasad ku saabsan casharadii laga bartay doorashadii hordhaca ahayd ee 25-ka Oktoobar.

Xog-ururintan oo soo bandhigideeda ay kasoo qaybgaleen dhamaan dhinacyada ay khusayso Doorashadu ayaa sharraxaysay qaabkii ay u dhacday doorashadii horudhaca ahayd iyo dhammaan wixii dhacay 25-kii Oktoobar oo ahayd maalintii doorashada.

Gudoomiye ku xigeenka TPEC Ali Cali Jaamac Faarax iyo Afhayeenka Guddiga Cabdinuur Sheekh Isxaaq ayaa PDRC uga mahadceliyay xogta ay soo bandhigeen waxayna kula taliyeen inay ku darsadaan talo soo jeedinta daneeyayaasha geedi socodka dimoqraadiyadda Puntland ee kasoo qaybgalay kulanka.