Go’aamo laga soo saaray ciriiriga Shidaal Ee Jig-jiga

Xukuumadda DDS, ayaa soo-saartay go’aammo looga jawaabayo ciriiriga shidaal ee ka jira magaalada Jig-jiga.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Deegaanka,ayaa waxaa kasoo baxay go’aamadan….

  1. In shaqsiyaadka kaalmaha jooga ee sida sharci-daradda ah usaaraya shidaalka la qab-qabto.
  2. In hay’adaha amniggu ay sii xoojiyaan daddaalkoodii ku aaddanaa ka hor-tagga shidaalka sida sharci-darada ugu baxaya xudduudaha Deegaanka.
  3. In la kordhiyo qoondadda shidaalka caasimadda.
  4. in la sameeyo isla-xisaabtan dhab ah oo ku qotoma mulkiilayaasha kaalmaha shidaalka iyo ashkhaasta u xil-saaran daba’galkooda.

SRTV Somali