Xiriirka Turkiga iyo Mareyknka oo soo hagaagaya

Markii uu Ruushka gudaha u galay Ukraine waxa uu weerarkiisa ujeeddadiisa ahaa in aan la ballaarinin isbahaysiga Nato oo uu Putin ka baqayay in ay xuduudihiisa ku sii fidaan.

Tallaabadaas ayaa horseedday in isbahaysiga reer Galbeedka uu dhankiisa adkeysto difaaca, waxaana muhiim noqotay in sare loo qaado xiriirta uu Mareykanka la wadaago waddamada xubnaha muhiimka ka ah Nato, oo uu ka mid yahay Turkiga.

Turkiga ayaa isagana dhankiisa muujiyay sida uu u diiddan yahay dagaalka Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine, inkastoo uu xiriir xooggan oo dhanka dhaqaalaha ah la leeyahay xukuumadda Moscow.

Dhanka kale, ciidamada Ukraine ayaa sheegay in ay militeriga Ruushka isaga caabiyeen diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee ay ka heleen Turkiga. Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ma aysan beeninin taageerada ay siisay Ukraine, inkastoo ay sheegtay in diyaaradahaas laga iibsaday shirkad laga leeyahay Turkiga.

Arrimaha kale ee sida weyn loogu bogaadiyay Ankara waxaa ka mid ah sida ay ugu istaageen dadaallada xalka diblomaasiyadeed loogu raadinayo dagaalka ka socda Ukraine.

Intaas waxaa sii dheer in Turkiga uu xiray marinnada badda ee Istanbul iyo Dardanelles oo laga hor istaagay maraakiibta militeriga Ruushka, tallaabadaas oo waafaqsan heshiiska caalamiga ah ee Montreux.

Isbuucyadii lasoo dhaafay waxaa si xoog leh u kordhay heerka xiriirrada wada hadalka iyo joogteyntiisa ee u dhaxeeya Washington iyo Ankara.

9-kii bishan March waxaa khadka telefoonka ku wada hadlay Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan iyo Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden.

Inta ay socotay xasaradda, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu, ayaa dhowr jeer la xiriiray dhiggiisa Mareykanka, Anthony Blinken. Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga ee xukuumadda Ankara, Hulusi Akar, ayaa la xiriira Wasiirka Gaashaandhigga Mareykanka, Austin Lloyd.

Ilo wareedyo laga helay khubaro ku xeel dheer arrimaha diblomaasiyadda ayaa sheegay in ay aad ugu badan tahay in isbuuca soo socda ay si gaar ah isu arkaan Erdogan iyo Biden, marka uu dhacayo shirka hoggaamiyeyaasha waddamada xubnaha Nato.