Mulkiilihii Naadiga Kubada Cagta Chelsea oo la sumeeyay

Afhayeen u hadlay Roman Abramovich ayaa xaqiijiyay in maalqabeenkan u dhashay dalka Ruushka ee saameynta siyaasadeed leh laga shakisan yahay in la sumeeyay horaantii bishan kaddib markii uu ka qayb galay wadaxaajood nabadeed oo uu la yeeshay ergo ka socotay dhinaca Ukraine.

Abramovich ayaa la sheegay in ay hadda xaaladdiisa caafimaad wanaagsan tahay, maadaama falkaas uu dhacay dhowr isbuuc ka hor. Waxa uu sheegay in uu sii wadi doono ka qayb galidda wadahadallada looga gol leeyahay in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine.

Hase yeeshee afhayeenku ma uusan sharrixin cidda kale ee wax ku noqotay sunta la tuhunsan yahay iyo cidda weerarkaas geysatay toona.

Goor sii horreysay, Wargeyska Wall Street Journal ayaa tebiyay in saddex ruux oo ka qayb gashay wadaxaajoodka ka dhacay magaalada Kyiv ay indhaha casaan noqdeen, illin xanuun badanna ay ka socotay in muddo ah.

Sidoo kale waxay cuncun iyo dub kac ka dareemeen maqaarka wajiga iyo gacmaha, sida uu wargeysku ku sheegay warbixintiisa.

Dadka ku dhow Abramovich ayaa sheegay in uu ka qayb galay dhowr kulan oo waanwaan ah, uuna howshaas ku jiro isagoo keligiis wakiil iska ah. Waxaa lagu soo warramay in milkiilaha kooxda Chelsea laga codsaday inuu gacan ka geysto isku dayga joojinta dagaalka.