Guutadii loo han weynaa 331 Ee Xulka Ciidamada Ruushka oo Bisad laga dhigay

Guutadii 331 ee ahayd Xulka Ciidamada Ruushka aadna loogu hanweynaa oo marka ay Dhoolatus samaynayaan,iyagoo Dalaayado uga soo boodaya Diyaaradaha aad maqsuud looga noqon jiray,ayaa Ciidamada Mintidka ah ee Ukrain waxay ka dhigeen Bisad,waxayna ugaystayn Jab weyn.

39-Askari oo uu ku jiro Talyihii Guutadaas ayay dileen Ciidamada Ukrain.

Guutada 331-aad e Ciidamada Ruushka oo lagu rajo weynaa in ay hormuud ka noqdaan guusha dagaalka,ayaa hadda u muuqda in ay yihiin kuwa burburiyey hamigii Ruushku u ka lahaa dagaalka Ukrain.

Ujeeddada howlgalka Ciidamadaas Cirka ee loo yaqaan VDV,ayaa ahaa qabsashada caasimadda Ukraine ee Kyiv.

Jibril Qoobey.