Gudoomiyaha G.Doorashada Fadaraalka taariikh buu sameeyay

Taariikh,ayuu sameeyay haduu ku adkaysto oo uusan udabcin cadaadisyada ama uusan Qiimo dhaqaale ku badalan guusha uu keenay.

Waa Ninka sida tooska ah Fahad uga tuuray Kursiga Xildhibaanimo Gudoomiyaha Gudiga Doorashada heer Fadaraal.

Xaqiiqdii macno weyn ayay leedahay in Fahad laga hor istaago ka dhex muuqashada Hay’ada Sharcidejinta Jamhuuriyada.

Fahad waa khatar Qaran oo muuqata ee xataa ma’ahan mid dadban ama qarsoon.

Gudoomiyuhu bogaadin buu ku mutaystay in uu bilaabo bixinta Shahaadada iyo ku dhiirashada Jadwelkii deganaa.

Horay usoco,waxaad haysataa taageerada Shacabka intiisa badan,Xukuumada inteeda muhiimka ah iyo Beesha Caalamka.

Dowladnimada Somaliya oo Fahad ka maqan yahay waa Aamin.

Jibril Qoobey.