Puntland oo soo saaraysa Duqii ugu horeeyay Abid oo Cod Shacab ku yimaada

Gokaha Deegaanka Degmada Ufeyn,waxay maanta iska dhex dooranaayaan Gudoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada ufeyn.

Puntland Sedex Degmo ayay kadhacdey doorasho Qof iyo Cod,kuwaasoo kala ah….

1.Eyl

2.Qardho

3.Ufeyn.

Ufeyn,ayaa noqon doonta Degmadii ugu horeysey ee soo saarta Duq Magaalo oo kusoo baxay Codka Shacabka.

27 -xubnood oo 8 ka mid ah ay Gabdho yihiin oo lasoo doortay 25/10/2021,ayaa maanta la wareegaya talada Degmada.

Dib udhac 6-bilood gaaraya,ayaa ku yimid dhismaha 3-da Degmo ee Eyl,Ufayn iyo Qardho,waxaana in badan cabasho kasoo gidbiyay Ururada Siyaasada.

Dowlada,ayaa lagu tuhmayaa in ay ka carootay Doorashadii Degmooyinkaas oo looga adkaaday.

Sida la filayo Ufeyn,waxaa kusoo bixi doona Duq magaalo oo ka yimaada mid ka mid ah Ururada Mucaaradka ah.