Rooble oo loo xaqiijiyay qorshihii dhaarinta Xildhibaanada in uu ka qabsoomayo Xalane

Ilo lagu kalsoonaan karo,ayaa sheegay in dhaarinta xildhibaannada iyo xayiraada Xerada Xalane aysan wax xiriir ah lahayn.

Iluhu waxay sheegayaan in ra’isalwasaare Rooble loo xaqiijiyay fulinta qorshihii dhaarinta Xildhibaanada ee 14-ka Bishan.

Rooble,waxaa loo xaqiijiyay in Ciidamada ATMIS kaliya ay hubinayaan amniga gudaha Xalane,isla markaana ay nadiifinayaan Xerada maadama halkaasi lagu qaban doono doorashada madaxtinimada Somaliya.

Ku dhawaad 200 oo Xildhibaan iyo Senetero,ayaa qaatay Shahaadada.

Jibril Qoobey.