Guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Federaal oo fariin udiray Xildhibaanada cusub

Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Federaal ee FEIT, ayaa maanta ku wargaliyay dhammaan xildhibaanada cusub ee la doortay in maalinimada Khamiista ah ee ay taariikhdu ku beegantahay 14 April 2022 ay yimadaan hoolka Teendhada Afisooni ee xayndaabka Xalane si loo dhaariyo xildhibaanada marka ay saacaddu tahay 10:00 subaxnimo.

“Waxaan halkan idinku wargelinaynaa in maalinta Khamiista 14-ka April, 2022 ay tahay maalinta la qabanayo munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada cusub.Waxaan Xildhibaanada Sharafta leh ka codsaneynaa in Saacaddu markay tahay 10:00AM, ay isugu yimaaddaan Hoolka Teendhada ee Afisooni.Waxaana si xushmad leh idiinka codsaneynaa inaad ilaalisaan waqtiga islamarkaana aad u soo diyaar garowdaan Munaasabaddaas.”

Mahadsanidin!