Agaasimihii Hay’ada Sirdoonka G.Mudug oo iscasilay

Agaasimihii hay’ada Sirdoonka Puntland Qaybteeda Gobolka Mudug oo iscasilay.

Agaasimaha oo ahaa midka ugu shaqo badnaa uguna firfircoonaa Guud ahaan qaybaha Hay’ada ee Puntland,ayaa isku casilay wada shaqayn xumo uu kala kulmay Agaasime xigeenka Guud ee Hay’ada.

Waxaan xog ogaal ka ahay duruufaha uu Agaasimuhu kusoo shaqeeyay,isagoo waliba ka hawlgalaya Gobol xasaasiya.

Pisa qaybteeda Mudug si gaar ah,waxaa uhaysta dayac fara badan oo laga xusi karo…

1.Dhaqaalo yari.
2.Qalab yari
3.Ciidan yari.
4.Gaadiid yari.

Agaasimaha Sirdoonka Mudug ee Puntland waa Ninka keenay guusha amni ee laga gaaray Gobolkaas ee uu maanta ku faano Madaxweyne Deni.

Marna,waxaanan ilaawi doonin shaqadiisii lahayd Wadaniyada,daacadnimada iyo Lexjeclada ee uu Mudug ka muujiyay.

Tani waa dhabar-jab weyn oo soo gaaray wardoonka Puntland oo awalba la liicayay dhaqaalo xumo,Qalab yari,Gaadiid xumo iyo Shaqaale xirfad leh oo ku yaraa.

Jibril Qoobey.