Maxay ku salaysnayd cashadii Madaxtooyada Puntland?

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni,ayaa caawa kulan Afur iyo is-xogwareysi isugu jira Qasriga Madaxtooyada kula qaatay Golaha Wakiilada Dowladda Puntland.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland,Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Ismaaciil Maxamed Warsame iyo Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland .