Madaxweynihii Faransiiska oo mar labaad la doortay

Emmanuel Macron,ayaa kaga adkaaday musharaxa midigta fog ee Marine Le Pen tartanka madaxtinimada waddanka Faransiiska, sidda ay saadaalisha muujineyso.

Macron, oo 44 jir ah, ayaa u tartamaya inuu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee Faransiis ah oo dib loo doorto muddo 20 sano ah, balse waxa uu wajahayaa loolan adag.

Le Pen, oo 53 jir ah, ayaa mar saddexaad u tartamaysa; waxay ku guuldareysatay in ay Macron ku garaacdo coddeyntii 2017, xilligaas ay gashay kaalinta labaad.