Waa sidee xaalada Dhuusamareeb dagaalkii shalay kadib?

Waxaa magaalada Dhuusamarreeb ku soo laabanaya dadkii ka qaxay dagaalkii shalay magaaladaasi ku dhex maray ciidamada dowladda Soomaaliya oo isugu jira Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad, kumaandoosta Gorgor iyo milateriga.

Xaaladda magaalada,ayaa saaka deggan.

Dagaalkan oo aan weli war rasmi laga soo saarin khasaaraha ka dhashay, ayaa la soo sheegayaa inay jiraan dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyadii dirirtu u dhaxaysay.

Dadka Deegaanka,ayaa weli ka cabsi ka qaba in mar kale iska horimaadyo ka dhacaan magaalada.

Maamulka Galmudug,ayaa dhankooda sheeganaya inay gacanta ku hayaan magaalada halka kooxdii soo weerartay, ee Ahlu Sunna Waljamaaca weli wax war ah dhankooda aaney ka soo saarin dagaalkan.

Magaalada,ayaa laga dareemayaa saameynta dagaalka oo waxaa yar dhaqdhaqaaqa iyo isu socodka dadweynaha waxaana shalay jiray guryo ay ku dhaceen madaafiicdii iyo hubkii kale ee la isku ridayay.

Ciidamada Ahlu sunna,ayaa hadda jooga Deegaan lagu magacaabo Sangooy oo u dhow Dhuusamareeb sidoo kalana u dhow deegaanka Bohol oo ah halkii ay horey ugu sugnaayeen dagaallamayaⁿasha Ahlu sunna,tan iyo markii laga saaray Guriceel.

Guddoomiyaha Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Geedaqorow,ayaa warbaahinta u sheegay in magaalada laga saaray ciidankii soo weeraray ee Ahlu-Sunna.