Erdogan ma hor ustaagi karaa ku biirida Finland iyo Sweden Ee Natto?

Madaxweyne Erdogan waxa uu sheegay in Turkiga uu ka soo horjeedo hindisaha Finland iyo Sweden ee ku biirista Nato, isagoo ku tilmaamay Sweden inay tahay “Gabbaadka” ururrada argagixisada ah.

“Maalinta Isniinta ayay imaanayaan Turkiga (wafuud ka kala socota Sweden iyo Finland) ma waxay noo imaanayaan si ay noogu qanciyaan, iga raalli ahaada oo waxaan leeyahay yaysan is daalin oo is dhibin, marka hore ma nihin kuwa aqbalaya in kuwii Turkiga cunaqabateynta ku soo rogay ay ku biiraan Nato, sababtoo ah markaas Nato ma noqon doonto urur amni ee waxay noqonaysaa meel ay ku badan yihiin wakiillada ururrada argagixisada,” ayuu yiri madaxweynaha.

Turkiga ayaa labadan waddan ee waqooyiga Yurub ku eedeeya inay gabbaad siiyan xubno ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK) oo ay u arkaan urur argagixiso, sidoo kale waxa uu ku eedeeyay inay taageeraan Fethullah Gulen oo ay xukuumadda Ankara ku eedaysay in uu ka dambeeyay isku daygii afgambi ee 2016-kii.

Si ay Finland iyo Sweden ugu biiraan Nato, waxay u baahan yihiin in dhammaan 30-ka xubnood ee ka tirsan gaashaanbuurta ay (haa) ugu codeeyaan hase yeeshee haatan Turkiga ayaa (maya) oranaya waxaana sidaasi hakad ku galaya hammigii labadan dal.

Labada dal ayaa wufuud u diraya Ankara si ay isugu dayaan in ay xalliyaan dhibaatada, balse Madaxweyne Erdogan waxa uu sheegay in aysan is dhibin.

Waxa uu u muuqdaa mid ay ka go’an tahay in uu isticmaalo codkiisa qaaliga ah oo uu kaga aarsado labadan dal.

Axaddii, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Anthony Blinken, ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay in Finland iyo Sweden ay labaduba ku biiri doonaan Nato, inkastoo Turkiga uu diiddan yahay.