Hogaamiyihii ugu horeeyay Al-itixaad Al-islaam oo Geeriyooday

Shiikh Cali Warsame oo ka mid ahaa culimada Somaliyed,ayaa geeriyooday.

Shiikh Cali waxa uu ahaa caalim Salafi ah oo aad loo yaqiin, waxa uu ahaa hogaamiyihii ugu horeeyay ee Al-Itixaad Al-Islaam.

Al-itixaad,ayaa ahaa Urur jihaad aaminsan oo la aasaasay horraantii 1980-meeyadii dhabahana u xaaray soo bixista Al-Shabaab.

Shiikh Cali Warsame,ayaa ugu danbeyntii ka hor yimid Jihaad gacan ka hadal ah oo Al-Itixaad Al-Islaam ay ka waday Jubbada Hoose iyo Puntland.

Wuxuu kaloo ka soo horjeestay oo cambaareeyay Al-Shabaab.

Shiikh Cali Warsame markii danbe,waxa uu noqday Xubin iyo mid ka mid ah madaxda Al-Ictisaam Bil Kitaab Wal Sunnah, oo ah Urur nabadeed oo Salafiya ah.

Rabi ha’unaxaristo janadiina haka waraabiyo.

Jibril Qoobey.