Madaxda G-7 oo ku jees-jeesay Sawirada Puting muujiyay Shirkoodii Jarmalka

Ka hor inta uusan si rasmi ah u furmin shirka waxaa laga hadlay “Sawir jirka muujinaya” oo uu leeyahay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Markii uu kulanka madaxda waddamada G-7 furmayay maalintii Axadda, dhammaan hoggaamiyeyaasha waxay fariisteen miis goobo ahaan u samaysan.

Ugu dambayn, Raiisul asaaraha Britain, Boris Johnson ayaa kursigiisa fariistay.

Intii uu salka sii dhigayay, Johnson waxa uu si kaftan ah u waydiiyay madaxdii kale, “in uu jaakadda iska bixiyo iyo in kale? Ma iska siibnaa dharka?”

Hadalkaas marka uu dhahayay Mr Johnson, waxaa goobta ku sugnaa wariyeyaal badan iyo sawir qaadeyaal.

Isagoo wariyeyaasha farta ku fiiqaya ayuu Ra’iisul asaaraha UK ku yiri; “Dhammaanteen waa in aan muujinno inaan ka xoog badan nahay, kana adag nahay Putin.”

Ra’iisul Wasaaraha Canada, Justin Trudeau, oo sii waday kaftanka Boris Johnson, ayaa yiri: “Waa inaan faras fuulno annagoo xabadka muujinayna…”

Guddoomiyaha Golaha Midowga Yurub ayaa sii raacisay kaftan kale oo tiri: “Haa… aad bay u fiicnaan lahayd inaan faras fuulno.”.

Sawirro badan oo laga arkayo madaxweynaha Ruushka oo feero qaawan ayaa yaalla meel walba, isagoo mararka qaarna kaxaynaya faras.

Hoggaamiyeyaasha G-7 ayaa maalintii ugu horraysay kulankooda si faahfaahsan uga hadlay sida loo sii go’doomin karo Ruushka.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Ukraine, waddamo badan oo ka tirsan caalamka ayaa cunaqabataynno kusoo rogay dhaqaalaha Ruushka.