Video:-Baarlamaanka Puntland oo su’aalo waydiiyay Wasiirka Dekedaha

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL,Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 14-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL.

Fadhiga maanta,ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Dawladda Puntland Mudane, Axmed Yaasiin oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka & Wasiiru Dawlaha Wasaaradda.

Wasiirka,ayaa Golaha uga warbixiyey shaqada ay Wasaaradda u xil saaran tahay ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira.

Intaas kadib, Xildhibaannada ayaa wax ka weydiiyey arrimaha Dekadaha iyo Gaadiidka Badda.

Halkan ka daawo muuqaalka