Burburka sirdoonka Deegaanka Somalida Itoobiya miyaa sababay guusha Shabaab?

836-Xubnood ayay ka kooban yihiin Xubnaha Sirdoonka Deegaanka Somalida Itoobiya.

Xiligii Madaxweyne Cabdi Iley kala bar waxay ka hawlgeli jireen Xuduuda iyo Deegaamada ku hareeraysan.

Sidoo kale,waxaa hogaamin jiray Saraakiil leh aqoon iyo xog ogaalnimo.

Haatan Madaxweyne Mustafe,waxuu udhiibay Nin Macalin ka ahaa Jaamacada Jig-,jiga oo aan lahayn khibrad Sirdoon,mid Ciidan iyo mid diblomaasiyadeed.

Ninkaas Macallinka ahaa,ayuu hadana usii dhiibay qaybta Qandaraasyada Ciidanka Liyuu Booliska.

Waxay noqotay in Xubnihii soo shaqeeyay lakala cayriyo oo lagu badalo Dad iska caadiya iyo kuwo qaraabo dhow la ah Madaxweyne Mustafe,kuwaasoo aan soo shaqo tagin ee kaliya Mushahaarka iska qaata.

Sidoo kale Xubno badan oo la cayriyay,ayuu boosaskoodii uusan buuxin hogaanka cusub ee sirdoonka oo Caagle ahaan uqaataa Mushahaarkooda.

Taasi waxay sababtay in sirdoonkii awooda badnaa xog ogaalka ahaa kala daato.

Waxa ka dhacay Yeed ma’ahan wax caadiya.

Jibril Qoobey.