Baarlamaanka Puntland oo magacaabay Gudiga la xisaabtanka hay’adaha Dowlada

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl ayaa maanta oo taariikhdu tahay 25 Luulyo, 2022, soo saaray Xeer Lr. 53 kuna saabsan magacaabista Guddiga Ururinta natiijada La Xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Kalfadhiga 50-aad

GUDDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILLADA DPL

MARKUU ARKAY: Dastuurka DPL Qodobka 64-aad

MARKUU ARKAY: Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL Qodobada 8-aad farqadda 11-aad

MARKUU TIX-GELIYEY: Muhiimadda ay leedahay soo ururinta la Xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Goluhu u yeeray Kalfadhiga 50-aad si wax looga waydiiyo Waajibaadka Dastuuriga ah ee ay u xilsaaran yihiin.

WUXUU MAGACAABAY:-

  1. Xil. Fu’aad Abshir Axmed ( Guddoomiye )
  2. Xil. Cabdicasiis Axmed Saalax ( Xubin)
  3. Xil. Cabdirisaaq Xassan Ciise ( Xubin)
  4. Xil. Cabdiraxmaan Siciid Faarax (Xubin)
  5. Xil. Cabdikhadar Faarax Shaaciye (Xubin)
  6. Xil. Maryam Cismaan Axmed (Xubin)
  7. Xil. Maxamed Cabdilaahi Cilmi (Xubin)
  8. Xil. Mahdi Siciid Xassan ( Xubin)
  9. Xil. Keyse Cawil Cali Boobe ( Xubin)
  10. Axmed Xuseen Maxamed ( Xoghayn)
  11. Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Maxamed (Xoghayn)

Guddiga magacyadoodu kor ku qoran yihiin, ayaa loo xil saaray inay soo ururiyaan, talona ka soo jeediyaan natiijada La Xisaabtanka Hay’adaha Dawladda ee Kalfadhiga 50-aad, iyagga oo Golaha la wadaagay maalinta sabti 30 Luulyo, 2022.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland