Waa kuma Ninka Somaliga ah Ee laga yaabo in uu badalo Ayman?

Saif waa mid ka mid ah maleeshiyaadka ugu khibradda badan dhaqdhaqaaqa jihaad-doonka ee adduunka.

Wuxuu ka soo dagaallamay Soomaaliya, xilligii ay halkaas ku sugnaayeen ciidanka huwanta ee uu Mareykanka hoggaaminayay. Waxaa jirkiisa ka muuqda nabarrada dagaalka: nabar isha midig hoosteeda ah oo ka soo gaaray qarax madfac; nabar kale oo uga yaalla gacanta midig; iyo dhaawac cududda ka soo gaaray xilligii uu ka dagaallamayay Soomaaliya.

Mid ka mid ah howlihii ugu horreeyay ee uu qabtay Saif wuxuu ahaa in uu maleeshiyaadka u tababaro sida loo isticmaalo hubka lidka diyaaradaha intii uu socday dagaalkii Soofiyeedka ee Afgaanistaan.

Sidaas si la mid ah ayuu kooxihii ka dagaallamayay Soomaaliya u siiyay tababar la xiriira qaabka ay uga hortagi karaan diyaaridihii Ameerikaanka ee ka howlgalayay Muqdisho.

Laga soo billaabo saldhigga ay ku leedahay Suudaan, Al-Qaacida waxay isku fidisay Bariga Afrika oo dhan. Mid ka mid ah bar-tilmaameedyadii ugu horreeyay ee is-ballaarinta ayay ahayd Soomaaliya oo xilligaas burbur dhanka dowladda ah wajaheysay.

Ka hor inta aysan Al-Qaacidda u guurin Khartuum, waxa ay tababaraysay dagaalyahanno ka socda Soomaaliya, qaar ka tirsan oo ka qalinjabiyay tababarradaas waxay dib ugu noqdeen dalka si ay u aasaasaan kooxo u gaar ah oo Islaamiyiin ah.

Bin Laadin waxa uu u diray Saif Al-Caadil si uu u sahamiyo suurtagalnimada in la ballaariyo howlgallada Soomaaliya. Caqabad weyn oo Al-Qaacidda soo wajahday waxay ahayd in hoggaamiyeyaasha Islaamiyiinta Soomaaliya aysan qaddarin amarrada taliyeyaasha shisheeye.

Saif wuxuu u safray koonfurta Soomaaliya si uu xero uga samaysto Kaambooni, oo ku taalla xudduudda Kenya. Isla markiiba waxa ay tani noqotay saldhigga weerarrada ka dhanka ah ciidammada caalamiga ah ee xulafada la ah Maraykanka ee loo geeyay howlgalka nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay.

Saif wuxuu ka mid noqday waardiyeyaasha gaarka ah ee Usaama Bin Laadin sanado kaddib markii uu ka tagay Soomaaliya.