Maraykanka oo ugu baaqay Kenya xasilooni

Mareykanka ayaa Talaadadii ku boorriyay shacabka Kenya in ay is-dejiyaan oo ay dulqaad muujiyaan, maalin kadib markii William Ruto lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo, isaga oo isla markiiba loollan ku aaddan natiijada doorashada kala kulmay Raila Odinga oo la tartamay.

“Waxaan ku boorrineynaa dhammaan dhinacyada inay si wadajir ah uga shaqeeyaan si nabad ah in lagu xalliyo walaac kasta oo jira oo ku saabsan doorashooyinka, iyada oo loo marayo hababka xallinta khilaafaadka ee jira,” ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ned Price.

“Waxaan ka codsanaynaa dhammaan hoggaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadda inay sii wadaan ku boorrinta taageerayaashooda inay nabad ahaadaan oo ay ka fogaadaan rabshadaha inta lagu jiro habka doorashada,” ayuu raaciyay Price.

Odinga ayaa waxaa si dirqi ah uga adkaaday tartankiisii shanaad ee uu ugu tartamayo xilka ugu sarreeya Kenya madaxweyne ku xigeenka Ruto, oo 55 jir ah, kaas oo Isniintii lagu dhawaaqay in uu yahay madaxweynaha la doortay isaga oo kaga guuleystay codad dhan 230,000 oo cod, oo ah wax ka yar boqolkiiba laba tirada guud ee codadka.

Siyaasiga ruug cadaaga ah ee 77-jirka ah ayaa natiijada codbixintii 9-kii Ogosto ku tilmaamay mid “waxba kama jiraan” ah, balse wuxuu ka gaabsaday inuu si cad ugu dhawaaqo inuu dacwad u gudbin doono maxkamadda sare.

Waxa uu sidoo kale ku andacoodey in la khiyaanay tartamadii hore ee guuldarradu kasoo gaartay.

Ma jirto doorasho aan natiitiijadeeda lagu murmin oo ka dhacday Kenya, tan iyo 2022, waxaana murankaas uu horseeday dhiig daatay, waxaana rabshadihii ugu xumaa ee doorashada Kenya ay dhaceen kaddib codbixintii 2007-dii, markaasoo in ka badan 1,100 qof ay ku dhinteen rabshado u dhexeeyay qabaa’il iska soo horjeeda.

AFP.