Wararkii udanbeeyay Weerarka lagu qaaday Hotel Xayaad

Weerar qaraxyo ku billowday ayaa caawa lagu qaaday hotel Xayaat oo ku yaalla agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Laba Baabuur oo Walxaha qarxa laga soo buuxiyay,ayaa lala beegsaday Hotelka.

Qaraxa koowaad,ayaa lagu dhuftay Hotelka, waxaana daqiiqado ka dib la qarxiyay Gsarigii labaad.

Waxaa laga cabsi qabaa inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse lagama hayo xog sugan.

Ciidanka booliska ee Haramcad,ayaa gudaha u galay Hotelka hadda,waxaana weli caddayn waxa ka socda gudaha hotelka, ayada oo ay jiraan warar sheegaya inay galeen koox hubeysan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkan, waxayna intaas ku dartay in dagaalyahanadeeda ay gudaha u galeen Hotelka.