Mudo xileedka Axmed Madoobe oo saaka si Dastuurka baalmarsan loo kordhinayo

Saaka hal sanno,ayaa lagu kordhinayaa mudo xileedka hay’adaha Dastuuriga ah ee Dowlada Jubbaland.

Golaha Baarlamaanka,ayaa ansixinaya goor dhow.

Mudo kororsiga Axmed Madoobe,ayaa qorshihiisu taagnaa Bilihii lasoo dhaafay,waxaana jirtay in uu mar iskaba daayay.

Haatan in saaka lagu soo beego mudo kororsiga aan sharciga ahayn waxaa sababay xaalada Muqdisho ka taagan oo Axmed u arko in Dowlada dhexe culays soo foodsaaray kalshana aysan u ahayn oo ay tahay xili mudan in laga faa’idaysto.

Mudo xileedkaas la kororsanayo,waxuu sii lumin doonaa kalsoonidii yarayd ee lagu qabay nidaamka hada jira,waxuuna god kusii ridayaa midnimadii Bulshada ee awalba liidatay.

Madaxweyne Axmed,waxaa uqurux badnayd in uu doorashada wakhtigeeda ku qabto xilkana wareejiyo si uu taariikh uga tago.