Xasan Shiikh sidan maka dhabaa mise waxbaa uqarsoon?

Dadkii Olalihiisa qaybta ka ahaa ama utaageersanaa hab Beeleed iyo mid dano kale saakay waa yaaban yihiin.

Qaar waxay ku leeyihiin Xasan kii aan naqaanay ma’ahan.

Qaar waxay leeyihiin Ninka Sixir baa loo dhigay Villa-da.

Qaar kale waxay leeyihiin Ninka koox,ayuu ugacan galay ku mashquulsan Lacag kaliya oo Daljir la yiraahdo.

Waxaase laysku raacsan yahay in uu Xasan xataa ka hoosayso hogaamintiisu 4-tii sano ee hore.

Wax Gacanta ugu jiraa majiraan mana Xukumo xataa Xaafad ka mid ah Xamar.

Kooxdii Damjadiid Ragii ugu macquulsanaa lama joogaan,waxuuna ka qaatay Mahad oo lagu tilmaamo aragtida dhankeeda Ninka ugu hooseeya.

Dowlada Xasan maleh Abqariyiin Geed fadhi u ah talada Dowladnimo.

In Dowlada Xasan la mucaarado aadbay ufududahay oo waxaa jira fursado badan.

Waxaa si fiican u adeeganaya Fahad Yaasiin.

WQ.Jibril Qoobey.