Wadada Eyl iyo Garowe oo dhismaheeda la Dhagax dhigay

Wadada Garowe-Eyl waa Laba Boqol iyo dheeraad,waxaana Laami ka ah kala bar.

Laga bilaabo Dangoronyo- ilaa Eyl,ayaa ubaahan in Laami laga dhigo taasoo dhan 105-Km.

Waa markii Afraad oo la dhagax dhigo Wadadaas muhiimka ah,balse Dhagax dhiga Deni in uu ka duwanaan doono ayay ubadan tahay,sababtoo ah sida looga bartay ma fashilmaan Dhagaxdhigyadiisa Wadooyinka.

Eyl waa Degmo qadiimiya,qurxoon,Jawi wanaagsan leh ku fiican nasashada oo leh Goobo taariikhiya iyo Xeeb aad Dalxiiska ugu saraysa oo Amni dabiiciya leh.

In Wadadeeda la dhiso waxay keenaysaa Dhawr arimood oo kala ah…

1.Masaafada socdaalkeeda oo si weyn usoo gaabata.

2.Magaalada oo hesha Maalgashi shaqo abuur oo kor uqaadi karta Nolosha Bulshada ku dhaqan.

3 .In Dowladu ka samaysan karto Deegaan nasasho oo xataa lagu qaban karo Kulamo caalami ah.

3.In Dadka reer PL ee gudaha iyo dibada ka yimaada ay helaan Goob Dalxiis.

Eyl,waxay noqon kartaa mid ka mid ah Deegaan Xeebeedyada ugu Dalxiiska Wacan ee Bariga Afrika.

Malindida Somaliya,waa laga dhigi kara.

Jibril Qoobey.