Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Tigreega iyo Mileteriga Itoobiya

Dagaal Adag oo laysku adeegsanayo Hubka noocyadiisa kala duwan,ayaa ilaa Shalay ka socda Deegaanka Sakota oo ka tirsan Deegaanka Amxaarada.

Sakota waa magaalo istiraatijiya oo dagaalka ku fiican,waana dhul Buuraley ah oo cida qabsataa ugu fadhido muhimad weyn.

Sakota waxay xigtaa dhinaca Xadka Tigreegu lawadaago Amxaarada,waxayna isku xirtaa magaalada Lalibala ee taariikhiga ah iyo Tigray.

Ciidamada Cirka ee Itoobiya,ayaa dukhaymo kuwada Sakota iyo Deegaanada hoos yimaada.

Ciidamada Tigreega oo weeraro isdaba joog ah soo qaaday,ayaa ku qabsaday Deegaanada hoos yimaada Sakota badankooda,waxayna ay ka samaysteen dhufayso ay adag Tahay in looga saaro si fudud.

Shalay waxaa Addis ka baxay 146-Bas oo wada Ciidan iyo Iyo 50-Gaari oo iskugu jira Uraalo iyo 20-FSR ah oo wada Saad Ciidan.

Dagaalka,waxaa qayb ka ah Ciidamada Eretereya oo loo xiray Dirayskii Ciidamada Liyuu Booliska Amxaarada.

Ciidamada Eretereya,ayaa isku dayaya in ay xiraan Xadka Sudan oo ah meesha ay Tigreegu ka helayaan taakulada Hubka.

Sidoo kalena Sudan waa meesha ay kula kulmaan Beesha caalamka Madaxda Tigreega,waxaana la sheegayaa in mudo Sagaal Bilood ah Madaxweynaha Tigreegu Debresion iyo Saraakiil kale ay ku sugan yihiin halkaas.

Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka,ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada Itoobiya Xalay guulo ka gaareen furimaha hore.

Jibril Qoobey.