DDSI oo si qarsoodiya uqoraysa Askar loo qaado dagaalka Tigreega

Ciidamadii laga dalbaday Dowlad Deegaanka ee loo qaadayay Dagaalka Tigreega ilaa iyo hada lama helin intii loo baahnaa.

Dowlada Madaxweyne Mustafe waxay ku amartay Maamulada Degmooyinka iyo Odoyaasha in Degmo walba ay keento 300 oo Dhalinyaro oo Ciidanka la qoro.

Amarkaas ma fulin oo waa laga hoos qaadi waayay Dowlada Madaxweyne Mustafe ee Deegaanka Somalida Itoobiya.

Haatan waxay bilowday Dowladu in ay usheegto Maamulkii ama Odaygii keena Dhalinyaro Askar qoranaysa in Halkii Qof 1000-Bir lagu siinayo.

Warkaas,waxuu gaaray ilaa Puntland iyo Somaliland oo Dad Dulaaliin ah,ayaa ka bilaabay Ururinta Dhalinyarada sidii Tahriibinta oo kale ah.

Gaalkacyo,Bursaalax,Galaadi iyo Bookh waa laga dareemay dhalinyarada la ururinayo oo Askaraynta Tahriibinta oo kale loo qaadayo,waxaadna helaysaa Waaridiin Caruurtoodii waayay.

Ciidamada Liyuu Boolis xiligii Madaxweyne Cabdi Iley fursad bay ahayd Qofkii ka mid noqda.

Jibril Qoobey.