Baarlamaanka Galmudug oo mudo kordhin samaystay una sameeyay Qoor-qoor

Madaxweyne Qoor-qoor Hal sano ayay ugu dareen mudo xileedkiisii ahaa 4-ta sano,iyaguna waxay ku darsadeen Hal Sano Baarlamaanka Galmudug.

Dowlada Fadaraalku kama hadlin ku darsashadii hore ee Jubaland lamana filayo in ay xataa Eegto mida Galmudug.

Sidoo kale,waxaa la filayaa in KG ku darsigaas oo kale uu ka dhaco.

Maamuladan waxay ka midaysan yihiin ku tumashada Dastuuradooda markaad ufiirsatid sida ay umaaraynayaan mudo kororsiga waxaad si dhab ah u xaqiiqsanaysaa in aysan markii horaba wax nidaam ah ku fadhiyin.

Dastuur Qodobkii la rabo layska tuurayo kii la rabana lagu darayo,wax ka badalkaasna ay fulinayaan koox meel fariisatay oo Baarlamaan ku tilmaaman.

Jibril Qoobey.