Ciidamada Tplf,ayaa qabsaday Magaalada Wadsinba iyo nawaxigeeda oo ka tirsan Deegaanka Canfarta,halkaas oo ay 2-dii maalmood ee lasoo dhaafay uu ka socday dagaal culus.
Tplf,ayaa soo bandhigtay Ciidamo Eretereyaan ah oo ay ku qabteen dagaaladii maalmihii lasoo dhaafay.
Tv-ga Tigreega,ayaa soo daayay Ciidamadan muuqaalkooda,waxayna soo bandhigeen halka ay ka yimaadeen iyo Horinta ay ka tirsanaayeen.
Ciidamada Eretereta ee la qabtay,ayaa Tv-ga Tigreega ka sheegay in lasoo khalday oo lagu yiri Tplf way jabtay ee kaalaya soo rarta Agabkooda.


