Weerarkii Gura-dhaamoole oo lagu Eedeeyay Jamhada Oneg Shena

Weerarkii Oromada ee Degmada Gura-dhaamoole Maamulka Mustafe,waxuu dusha usaaray Jamhada Onag Shene.

Maamulka Mustafe,waxuu ku doodayaa in Jamhadu isticmaashay Tuutaha Ciidamada Liyuu Booliska Oromada si ay Labada Deegaan colaad uga dhex abuuraan.

Balse Dirayska Ciidamada Liyuu Booliska Oromada waxaa laga badalay 3-bilood ka hor wayna adag tahay in si fudud lagu helo.

Guud ahaan Ciidamada kala duwan ee Itoobiya 6-jeer,ayaa laga badalay Tuutaha intii uu Abiy Xukunka hayay.

Gura-dhaamoole waa Degmo Somaliyed oo Xuduud balaaran la leh 5-Degmo oo Deegaanka Oromada ka mid ah.

Oromada waa u dhaqan in ay ku hamiyaan isbalaarin iyo kusoo durkid Deegaanka Somalida doorna,waxaa ka qaata qorshahaas Ciidamadooda Liyuu Booliska.

Jibril Qoobey.