Agaasimaha cusub ee Sirdoonka Puntland oo wareejiyay xil uu hayay + Sawirro

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta Dawladda Puntland, Maxamed Siciid Faroole ayaa maanta xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradda ahna Agaasimaha cusub ee Hay’adda Sirdoonka Puntland Jamaal Carab Yuusuf.

Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday xarunta Wasaaradda ayaa waxaa ka qeybgalay madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Qorsheynta iyo masuuliyiin kale.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda, ahna Agaasimaha PISA Jamaal Carab Yusuf ayaa ugu horreyn soo dhaweeyay wasiirka cusub, waxaana uu sheegay in uu ku kalsoonyahay aqoonta, khibradda iyo waayo aragnimada wasiirka cusub ee wasaaradda Qorshaynta,

Maxamed Siciid Faroole, Wasiirka cusub ee wasaaradda Qorsheynta Puntland ayaa uga mahadceliyay wasiir Jamaal shaqadii baaxada lahayd ee uu qabtay mudaadii uu xafiiska jooogay.

IDIL NEWS