Ciidammo cusub oo laga dajiyay magaalada Beledweyne

Diyaarad sida Ciidammo cusub oo katirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta ka degtay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Ciidamada ayaa ah kumaandooska Gorgor, kuwaas oo laga qaaday xeryo ay ka lahaayeen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada cusub ee laga dajiyay Beledweyne ay qeyb ka noqon doonaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab ee ka soconaya gobalka Hiiraan.

Howlgallo culus oo looga soo horjeedo Al-Shabaab ayaa ka socda todobaadyo gobalka Hiiraan, waxaana inta uu socday laga qabsaday Al-Shabaab deegaano muhiim ah.

Sidoo kale, Howlgalada ayaa lagu dilay maleeshiyaad iyo saraakiil katirsan Al-Shabaab.

IDIL NEWS