Qofkii 3-Aad oo Ebola ugu Geeriyooday Uganda

Wasaaradda caafimaadka Uganda,ayaa xaqiijisay Geerida shaqaale kale oo caafimaad oo ahaa sarkaal qaabilsan dhanka suuxinta, kaasoo u dhintay cudurka Ebola saacadihii hore ee maanta oo Arbacada ah.

Margaret Nabisubi, oo 58 jir ah, ayaa ah shaqaalihii afraad ee u dhimata cudurka Ebola, sida ay sheegtay wasiirka caafimaadka ee Uganda, Jane Ruth Aceng.

Koox dhakhaatiir ah,ayaa waxaa haleeley fayraska, markii ay daweeyeen ruuxii ugu horreeyay ee la xaqiijiyay inuu qabo cudurka Ebola, kaasoo u baahday qalliin, waxaana la dhigay isbitaalka gobolka Fort Portal.

Arday u dhashay dalka Tanzaaniya oo ka mid ahaa ardayda caafimaadka, ayaa dhintay dhamaadkii toddobaadkii hore.

Dhanka kale, kaaliye caafimaad oo ku sugnaa degmada Kagadi, ayaa isna u dhintay fayraska.Waxaa la tuhunsan yahay in umuliso ay sidoo kale u dhimatay Ebola.

Shaqaalaha caafimaadka,waxay muujiyeen walaac ku saabsan, iyadoo aaney jirin qalab la isaga ilaalin karo shakhsi ahaan, oo ku filan maalmaha ugu horeeya ee cudurka uu dillaacay.

Tirakoobyada rasmiga ah, ayaa muujinaya in 43 xaaladood la xaqiijiyay, tan iyo markii lagu dhawaaqay cudurka dillaacay laba toddobaad ka hor, 10 kamid ah kiisaskii la ogaadey, ayay dadkii qabay ay dhinteen.

Saraakiisha caafimaadka,ayaa sheegay in ay ogaadeen in ka badan 800 oo qof uu haleeley cuduka Ebola, oo loogga shakisan yahay in ay xiriir la sameeyeen dadka uu soo ritay cudurka