Dimuqraadiyada Puntland Faroole iyo Gaas jidgooyo uma dhigan karaan?

Laba Oday oo midna Ururkiisii fashilmay midna aan Urur lahayn mustaqbalkeenu kuma xirna.

Mudo kororsi aan uga badalano hirgelin Dimuqraadiyadeed aan raacno Reer Puntland-noow,intaan raaci lahayn fashilin Dimuqraadiyadeed.

Waa derbi adag mudo kororsigu,balse in la dumiyo markan ay ku jirto danta Puntland ee fog.

Doodii Galabta Dowladu way cadaysay jihada ay usocoto.

Gaas??

1.Urur maleh waxayna taasi cadaynaysaa in uusan dan ka lahayn Dimuqraadiyada.

2.Dan khaas ah ayay isku hayaan isaga iyo Deni.

3.Mudo xileedkiisii 5-ta sano xataa waa ku guulaysan waayay in uu dhiso Gudi Doorasho.

4.Saakay warkiisu macno nooma leh.

Faroole”

1.Tare Jifi hoosaad buu ilaalinayaa oo si khaldan loo raadinayo.

2.Ururkiisii,ayaa fashilmay Eyl oo uu ku faani jiray Sadex Cod buu kasoo helay rajana kama qabo 37-Degmo ee kale xataa in uu Cod ka helo.

3.Wiilkiisa Maxamed ah,ayuu la rabey Wasiirka la siiyay Wiilka uu Adeerka uyahay Maxamed S.Faroole.

4.In laga samir siiyo Ururada,ayuu rabaa ugu danbayn oo dhaqaale ama Kursi Maxamed la siiyo

Dimuqraadiyadu waa masiiri ee Siyaasad ma’ahan..!!

Jibril Qoobey.