Uhuru Kenyata oo ka cudur daartay ka qaybgalka wada xaajoodka Tigreega iyo Dowlada Abiy

Madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta,oo ah Ergayga uqaabilsan Madaxweyne Ruto Dowlado ay ku jirto Itoobiya,ayaa shaaciyay in uusan ka qayb gali karin wada hadalada TPLF iyo Dowladda dhexe ee Itoobiya.

Uhuru,ayaa ku doodaya in marka hore loo baahan yahay fulinta hal Qodob oo muhiim ah..

1.In dagaalka la joojiyo oo mudnaantana la siiyo Xabbad joojinta.

Suurtagal ma’ahan,iyadoo dagaal socdo in wada hadal ufurmo labada dhinac.

Waxaa muuqata Dowlada Abiy in aysan daacad ka agayn joojinta dagaalka iyo soo hor fariisiga Tplf.

Wada hadalada,ayaa lagu waday Maanta in ay ka furmaan Koonfur Afrika,balse way baaqdeen.

Tplf,ayaa qoraal ay soo saartay Maalmo ka hor kaga dalbatay Midowga Afrika in ay qeexaan cida goobjoog ka noqonaysa wada hadalada iyo damaanad qaadka heshiiska soo baxa.