Askar ku dhimatay Qarax lala beegsaday Ciidammo katirsan Puntland

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegay in Ciidammo katirsan PMPF Puntland qarax lagula eegtay togga Sugurre ee buuraleyda gobalka Bari.

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaaa lala beegsaday kolonyo kamid ah gaadiidka ciidamada, waxaana ku dhintay ilaa 5 askari, halka tiro intaa ka badana ku dhaawacmeen.

Ciidamada qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay inay ku jireen howlgallo lagu xaqiijiyo amniga. Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Hay’addaha Amniga Puntland oo ku aadan qaraxa lala beegsaday ciidamada PMPF.

Ciidamada Puntland ayaa in ka badan 10 sano howlgallo joogto ah ka wada buuraleyda goballada Bari iyo Sanaag, oo ay ku dhuumaleysanayaan maleeshiyaad katirsan kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.

IDIL NEWS