Meydka Maxamed Siciid oo laga soo saaray godkii Dahabka ee ku dumay

Waxaa goor-dhaweyd laga soo saaray meydka AUN Maxamed Siciid Cali god laga qodo dahabka oo ku yaalla deegaanka Milxo, kaas oo ku dumay habeenimadii khamiista.

In ka badan 35 saacadood ayay socdeen dadaalo ay wadeen dadka deegaanka, oo la doonayay in lagu soo badbaadiyo marxuum Maxamed Siciid.

Dadka gurmadka ka qeybqaadanayay oo gaarayay 600 oo qof ayaa adeegsanayay gaadiid tiro yar oo ah nooca wiishashka loo yaqaan, si ay u gaaraan gunta godka oo la sheegay inuu qodon yahay ilaa 30-Miter.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in meydka marxuumka la aasi doono ilaa galabta, waxaana hadda socda diyaarinta aaskiisa.

Milxo ayaa ah deegaan hoostaga degmada Laasqoray ee gobalka Sanaag, dad shacab ah iyo shirkaddo ayaa ka wada muddo ka badan 6 sano Dahab qodis.

IDIL NEWS