Saamayn maku yeelanayaa Doorashada Maraykanka sicirka Shidaalka Ee sare ukacaya

Afar maalmood ka hor Ururka ay ku bahoobeen dalalka soo saara Saliida caalamka ee Opec+ waxay ku heshiiyeen in 2-Milyan oo Foosto maalintii Shidaalka ay soo saaraan ay ka dhimaan.

Tallaabadan hoos loogu dhigayo wax soo saarka Shidaalka,ayaa keenaysa,in qiimaha shidaalku uu cirka isku shareero.

Go’aankan,waxaa horboodayay Dalalka Sacuudiga iyo Ruushka.

Hoos udhigista wax soo saarka Shidaalka,waxay guul weyn oo dhaqaale iyo Siyaasadba utahay Ruushka.

Shidaalkiisa,ayuu ku iibinayaa qiime sarreeya. Macaashka uu ka helo shidaalkaasina,waxuu Madaxweyne Putin u isticmaalayaa dagaalka uu ka wado dalka Ukraine.

Sidoo kale hoos u dhigista wax soo saarka shidaalka,ayaa dhaawacaysa dedaalada uu wado isbahaysiga uu hoggaaminayo dalka Maraykanku, kuwaas oo doonaya, in ay curyaamiyaan dhaqaalaha Ruushka.

Dhinaca kale dhimista wax soosaarka Shidaalka waxay halis gelinaysa, siyaasadaha Madaxweyne Joe Biden iyo Xisbigiisa.

Siyaasiyan haddii qiimaha shidaalku uu sare kaco, xilli dalka Maraykanku uu bisha soo socota u dareerayo doorashada xilliga dhexe,waxay dharbaaxo ku tahay Biden iyo Xisbigiisa.