VIDEO: Madaxweyne Xasan oo baaq u jeediyay culumada Soomaaliyeed

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay culumada Soomaaliyeed inay qeyb ka noqdaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in looga baahan yahay culumada inay la hadlaan bulshada, una cadeeyaan in kooxda Alshabaab aysan ku socon wax diin ah, maadama ay yihiin dadka ay dhageysanayaan shacabku.

Waxaa uu sheegay in marnaba aysan hiil u noqoneyn dawladda iyo dadka deegaannada ay ku sugan yihiin Alshabaab, hiilka qarsoon ee culumada, isagoo tilmaamay inay muhiim tahay in ay cilmigooda iyo codkoodaba ku garab istaagaan halganka wadajirka ah ee socda.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa faray Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta in la qabto shirweyne Culumada Soomaaliyeed la isagu keenayo si looga arinsado dhismaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa baaqan u jeediyay culumada xilli uu maalmo kahor kulan kula qaatay Madaxtooyada Villa Somalia.

IDIL NEWS