Mareykanka iyo Itoobiya oo kawada Hadlay Dagaalada kasocda Waqooyiga Itoobiya

Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka uqaabilsan Bariga Africa Mike Hammer iyo RW-kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibada Itoobiya Demeke Mekonen,ayaa maanta kawada hadlay xal uhelida colaada iyo dagaalada daba dheeraaday ee sababay dhibaatooyin farabadan oo iskugu jira.

Dhimasho, Dhaawac,Barakac Macaluul, Kufsi, Xasuuq wadareed, sicir barar, Abaaro, iyo falal kadhan ah bini aadminimada ee kajira dalka Itoobiya oo ay dhamaantood salka ku hayaan Dagaalada ka socda Waqooyiga itoobiya ee udhaxeeya TPLF iyo Xukuumada Abiy hogaaminayo.

RW-kuxigeenka,ayaa sheegay in ay dhankooda soodhaweynayaan wada hadalada,islamarkaana diyaar uyihiin wada kasta oo lagusoo afjari karo dagaalka Waqooyi.

Danjire Mike Hammer,ayaa sheegay in ay Dowladiisu taageereyso sidii wada hadalada ay Midowga Africa hogaamineyso unoqon lahaayeen kuwa guuleysta laguna gababeeyo dagaalada.

Ergayga,ayaa hoosta ka xariiqay in Mareykanku mudnaan gaar ah siinayo dhaqan galinta Qodobada lagu heshiiyo.